© 2009 by "sajanfashion.net" webmaster osmansajan· All Rights reserved·E-Mail: info@sajanfashion.net/osmansajan@hotmail.com
Taariikh: 15 Shacbaan 1429 (17-August-2008) TAARIIKH NOLOLEEDKA SHEEKH MAXAMED SHEEKH AXMED SHEEKH MAXAMUUD (SH. ABBA) ALSHAASHI ALMAQDASHI AL SHAAFICIYI AL ASHCARIYI ALQAADIRIYI RAXIMAHU ALLAAH Sheekh Abba Allaha janadii fardowso ka waraabiyee wuxuu ku dhashay Degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho sanadka markuu ahaa 1936kii, wuxuu ku soo barbaaray waxna ku soo bartay Beytu-Sacaada oo ku yaalla xaafadda Koodka, Sheekhu waligiisa cilmi uma doonan dibadda sida awowgiisa Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Suufi oo kale. Aabihiisa wuxuu dhintay isagoo yar, ka dib waxaa gacanta ku soo qabtay awowgiis Sh. Maxamuud Sh. Cabdiraxmaan (DABIYE ) . macallikiisa Quraanka wuxuu ahaa Maclim Yuusuf Nuur Faqi Cali ''Ashaashi" waxaana u dhameestiray Maclim Xeydar "Reer Faqi" kadibna wuxuu guda galay barashada culuumta noocyadiisa kala duwan, sida : Adabta, Fiqhiga, Tafaasiirta, Axaadiista, Tasawufka, Dhibigga, Falagga, iyo Ansaabta. Sheekhu wuxuu ahaa nin aad ugu xeel dheer Taariikhda Islaamka iyo taariikhda ummadaha kale iyo tan Soomaalida, sidaa darteed Soomaalidu waxay ka dhigteen marjica ugu horeeya ee lagu kalsoonaan karo. Sheekha asagoo aad u yar wuxuu bartay Cilmiga dhibigga, Ansaabta, Falagga, iyo Taariikhda, waxaana Sheekh u ahaa Awowgiis Sh. Maxamuud "Dabiye" kuna siiyey Ijaaso. Waxaa kaloo ka mid ah mashaa'ikhdiisa. Sheekh C/majiid Sh. Maxamed Sh. Suufi "Sheekh Cadde" wuxuuna ka bartay Naxwaha, Sarfiga, Balaaqada, Mandhiqa, Caqiidada, Fiqhiga, Tafsiirka, Xadiiska iyo Tasawufka. Iyo mashaa'ikh kale oo ay ka mid yihiin: 1- Sh. Cumar "Reer Shiikhaal Aw Xasan 2- Sh. Maxamed Sh. Muxyiddiin Maclim Mukaram 3- Sh. Abiikar Sh. Muxyiddiin Maclim Mukaram 4- Shariif Xuseen Cumar Caskar 5- Sh. Khalif Faarax Nuur 6- Sh. Munye Sh. Qaasim Baraawi 7- Sh. Yuusuf Reer Qudhub 8- Sh. Axmed Muxuddiin Baafadal 9- Sh Maxamuud C/Mutajali -(Khaliifatu Azhar Ugana Sheekh ahaa Ijaasada Naqshabandiya 10- Sayid Calawi Maaliki oo Ijaaso ku siiyey Akhrinta Axaadiista. Magacyada mashaa'ikhdaan waa intii aan annaga ka soo qornay Sheekha afkiisa intuu noolaa. Culuumta uu Sheekh Abba Akhriyey waxaa ka mid ah : 1- Tafsiir Jalaaleyn Maca Ruuxu Bayaan 2- Axaadiista, sida: Riyaadu-Saalixiin, Saxiixul Bukhaari, Jaamicu Saqiir iyo Majmacu Zawaa'id 3- Luqadaha, sida Ajruumiya, Camriidh, Sarfiga, Balaaqada, Mandhiqa 4- Fiqhiga, sida Minhaajka 5- Cilmiga Tasawufka 6- Iyo Cilmiga Mawaaqiitka isagoo sameeyey Mawaakhiitu salaad ee Soomaaliya oo looga adimo waqtiga Salaadda ee Msaajidaha Muqdisho. Sheekha wuxuu leeyahay Maktabad Marjic u ah Culumada Soomaaliyeed. Karaamaadkiisa iyo sifaadkiisa oo aan la soo koobi karin iyo taariikh nololeedkiisa oo faahfaahsan wuxuu ku soo baxayaa kutubka: Kashfu-Siril-Mukhaba fii Tarjumati Sheekh Abba Inshaa'Allah. oo uu qoray Talmiidka Sh.Abba oo ah Sh.Axmed Cusmaan Maxamed (Sh.Axmed Muniir).