© 2009 by "sajanfashion.net" webmaster osmansajan· All Rights reserved·E-Mail:osmansajan@hotmail.com

Waxa maalintii shalay aheyd magaalada Muqdishu ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan masjidka Sheekh Suufi iyo dhamaan daafaha Caalamka lagu soo gabagabeeyey Siyaaradii Weligii weynaa ee caalimul calaamah Sheekh Cabdulraxmaan Sheekh Cabdullaahi (Sheekh Cabdulraxman Suufi)  Almaqdishi Alsoomaali, Alshaashiyi, Alshaaficiyi Al-Ashcariyi (Qudbul Banaadir).
Masjidka Sheekh Suufi oo uu sheekha ku duugan yahay kuna yaala Magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay waxaa lagu dhigay banaanbixii ugu weynaa ee ka dhaca wadanka Soomaaliya, iyadoo dhamaan dhariiqooyinka kala gedisan aay kasoo qeyb galeen iyadoo aay kusoo bandhigeen xadra aad uweyn iyo Muxaadarooyin aad uqiimo Badnaa. Waxaa ka mid ahaa dhariiqooyinka kasoo qeyb galay( dhariiqada  Qaadiriya Uweysiya, Seyliciya, Axmadiya, Rufaaciya) iyo dhamaan umadaha kala gedisan ee Islaamka ah ayaa maanta si aad ah usoo buux dhaafiyey Banaan baxii siyaarta Iyadoo ay ka muuqato Qiirooyin ka turjumayo Xadaarada fog ee Culumaa’u Suufiyah ee Soomaaliyeed.

Taariikhda weligii weynaa caalimul calaamah Sheekh Cabdulraxmaan Sheekh Suufi oo dhan waan soo gelin doonaa Inshaa Allaah.