© 2009 by "sajanfashion.net" webmaster osmansajan· All Rights reserved·E-Mail: info@sajanfashion.net/osmansajan@hotmail.com
Eebbe wuxuu yiri: (Kuwa "Eebbe iyo Nabiga" rumeeyoow waxaa korkiinna lagu waajibshay soonka sidii loogu waajibshay kuwii idinka horreeyay waxaad mudantihiin in aad dhowrsataane" [al-Baqarah:183]. Nabiguna –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee – wuxuu yiri: "Qofkii sooma Rabadaan iimaan ahaan iyo asiga oo Eebbe dartiis u yeelaya waxaa loo dhaafaa wixii dambi ah ee uu hore u falay" Waxaa soo weriyay al-Bukhaari iyo Muslim. Kolka walaalayaal, soonku sida ay yihiin cibaadooyinka kaleba wuxuu leeyahay waajibaad iyo shuruudo iyo waxyaabo burrinaya ay waajib ku tahay qofka sooman in uu barto si soonkiisu u ahaado mid sax ah loogana aqbalo Eebbe agtiisa nasahnaayee oo kor ahaayee. Waajibinta Soonka Soonka waxaa la waajibshay sanadkii labaad ee Hijriyada Rasuulkuna –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- wuxuu soomay sagaal sano kadibna wuu geeryooday. Soonka bisha rabadaan waajibnimadiisuna waa mid la ogyahay oo diinka lamahuraankiisa ka mid ah. Shuruudaha uu soonku ku waajibayo Soonku wuxuu ku waajibayaa qof kasta oo muslim ah oo qaangaar ah oo caqliqab ah oo awooda in uu soomo oo aan ahayn midda xaylka qabta ama nifaaska iyo qofka jirran ee aan la filayn in uu raysandoono, iyo qofka waayeelka ah ee aan soomi Karin waayeelnimo awgeed. Kolka soonku ka ansixi maayo qof gaal ah asalkiisu iyo qofka diinta ka noqday (murtad), kana ansixi maayo haweenayda xaylka qabta ama nifaaska. Haddii ay soomaan inta dhiiggu ka socdo way dambaabeen waana in ay qalleeyaan. Soonkuna ku waajibi maayo carruurta aanan qaangaarin, hase ahaatee, haddii toddoba sano uu dhamaysto oo sanadka dayaxa lagu xisaabo ah, waxaa ku waajib ah qofka ka gacanta ku haya in uu faro soonka haddii uu awoodo. Soonkuna ku waajibi maayo qof waalan in uu qalleeyana loogama baahna, waajibna kuma aha qofka jirran in uu soomo haddii uu dhibayo, qofka safarka ahna ku waajibi maayo haddii uu safar dheer ku jiro, waana in ay soo qalleeyaan (kan jirran iyo kan safarka ah). Haddii uu soomo kan jirran ama midka safarka ah wuu ka ansaxayaa, haddii uu dhibana waa ka xaaraan (in ay soomaan), soonkuna ku waajibi maayo qof waayeel ah oo wayn cabsi laga qabo in uu baaba'o ama dhinto darted. Waajibaadka Soonka 1. Niyada: oo qalbiga ah, shardina ma aha in uu qofku ku dhawaaqo, waana waajib maalin kasta oo soon ah habeenkiisa, mana ansaxayo soonku niyad la'aan, wuxuu laabtiisa ku leeyahay: "waxaan niyaystay in aan soomo burrito oo ka mid ah bisha Rabadaan" . Waxaana ku waajib ah midda xaylka qabta iyo tan nifaaska qabta haddii dhiiggu ka joogsado habeenka soonka in ay niyaysato soonka maalinta burrito ee rabadaanka ah inkasta oo aanay dhiiggii ka qabaysan. 2. Afqabsiga: Waana in afka laga qabsado cuntada iyo cabidda iyo in aan caloosha ama madaxa ama mindhicirada la gelin wax jirmi leh inkasta uu yaryahay oo aan meel furan laga gelin sida afka ama sanka ama horey ama gadaal laga billaabo waaberiga (kolka salaadda subax gasho) inta ay qorraxdu ka dhacayso. Qofkii cuna ama caba asiga oo illowsan sikasta oo ay u badanyihiin afurimaayo, haddii uu doono soon sunno ah ha ku jiree, maxaa wacay Nabiga –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- ayaa yiri: "Qofkii illooba asiga oo sooman ee cuna ama caba hadhamaystiro soonkiisa Eebbe ayaa quudshay oo waraabshaye" waxaa soo weriyay al-Bukhaari iyo Muslim. Waxaa kale oo waajib ah in laga reebtoomo isutagga raga iyo haweenka iyo manida oo la iska keeno ayada oo la booraysanayo ama la begsaarsanayo maxaa yeelay wuu afurinayaa. 3. Waqtiga oo la aqoonsado: kol haddii waqtiga soonku yahay waaberiga iyo qorraxdhaca inta u dhaxaysa waxaa waajib ah in la aqoonsado waqtiga labadiisa dhinac oo qofkasta oo qaangaar ah oo soomaya ku waajib